Ruushka oo Soomaaliya ka taageeraya Amniga iyo Dhaqaalaha

Muqdisho | QOL | September 18 2019 —Safiirka Ruushka u fadhiya Soomaliya Mikhail Golovanov ayaa hadalkaan sheegay xilli uu Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya uu kulan gaar ah kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre.

 

Mikhail Golovanov oo Ra’iisul Wasaaraha uga mahad celiyay qaabilaadda ayaa sheegay in dowladda Ruushku xoojineyso xariirka kala dhexeeya Soomaaliya ayna dowladda ka taageereyso anmiga, dhaqaalaha iyo waxbarashada.

 

Ruuska ayaa waxaa uu ka mid yahay dalalka taageerada siiya Soomaaliya,waxaana bilihii u dambeysay uu ka mid ahaa dalalka isha gaarka ah ku haaya Arrimaha Soomaaliya,isla markaana uu ka taageerayo Arrimaaha amniga oo dalka Soomaaliya ay dhibaatooyin badan ka jiraan.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *