SAWIRO: Daacish oo soo bandhigtay Ciidamo cusub oo kusoo biiray

Muqdisho | QOL | September- 23-2019 —Ururka la baxay dowladda islaamka ee Daacish ayaa soo bandhigay  sawirada dagaallamayaal ku hubaysan qoryaha fudud islamarkaana ay sheegeen in ay tababar ku qaadanayan xero ciidan oo ku taalla buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

 

Ururka ayaa ku baahiyay Sawirraddan bar ay ku leeyihiin Internetka oo ay ku faafiyeen Wararkooda, waxaana ay sheegeen in Kooxdan cusub ay ka mid noqon doonaan Daacishta ka howlgasha Soomaaliya ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya.

 

 

 

Waxa ay sheegeen in Ciidankaan cusub ay ku tababartaan Xerada Dawoud al Somali oo ay ugu magac-dareen tababare ciidan oo hore kooxda looga dilay.

 

Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay in ay sare u kacday dagaalamayeyaasha hubeysan ee ku biiraya Ururka Daacish ee ka howlgalla Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *