Madaxweynaha Jabuuti oo ka hadlay tartan ay kula jiraan Kenya

Muqdisho | QOL | September- 27-2019 —Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa markii ugu horeysay waxaa uu ka hadlay tartanka ay kula jiraan dowladda Kenya oo ku aadan kursiga aan joogtada aheyn ee Qaramada Midoobey.

 

Waxaa uu shegay in labada dowladood ee Jabuuti iyo Kenya ay yihiin walaalo xiriir wanaagsan leh,isla markaan aysan dooneyn inay meel xun isla gaaraan inta lagu jiro tartan kursiga QM.

 

Isaga oo la hadlayay Idaacadda Voa-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waaa uu Eedeyn kulul uu u jeediyay qaar ka mid ah wadamada Midowga Afrika oo u codeeyay in Kenya kursigaas ay ku metesho Midowga Afrika

 

21kii Bishii August ayaa xubnaha wadamada Midowga Afrika waxaa ay Kenya ugu codeeyeen in ay kursigaas ku matasho Qaaradda Afrika laakiin Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in aanay ka tanaasulin kursigaasi islamarkaana Golaha amaanka ugu tartami doonto.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *