Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay Shir caalami ah oo Muqdisho ka dhacaya

Muqdisho | QOL | September- 28-2019 —Dowladda ayaa faah-faahin ka bixisay shirka caalamiga ah ee madasha wada-tashiga Soomaali ee Horaanta bisha soo socda ka furmi doona magaaladda Muqdisho.

 

Wasiiru’dowlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha mudane Cabdullaahi Xaamud ayaa sheegay in shirkaan ay kasoo qeyb gali doonaan dhammaan Hay’addaha taageera Soomaaliya iyo dowladdaha.

 

 

 

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in dhammaan lagu casuumay Madaxda maamul goboleedyada xubinta ka ah dowladda dhexe ee Soomaaliya.

 

Shirkaan ayaa inta uu socdo waxaa diirada lagu saari doonaa Kobaca dhaqaallaha iyo horumarinta Amniga Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *