Madaxweyne Farmaajo oo xariga ka jaray dhisme ay cusub ee safaarada Soomaaliya ee Washington

Washington | QOL | September 27, 2019 – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa galabnimadii jimcaha, 4:00 pm xilliga saacadda bari ee Mareykanka xariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Soomaaliya ee Mareykanka.

Dhismahan oo ku yaalla Address-ka, 1609 22nd St NW, Washington, DC 20008, ayaa waxaa dhowaan iibsaday Soomaaliya, wuxuuna horey u ahaa safaaradda Columbia ee Mareykanka.

Waxaa furitaanka dhismaha, oo ku yaalla bartamaha Washington DC, xariga ka jaray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ka yimid magaalada New York oo uu uga qeyb-galay shirkii golaha guud ee QM.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay munaasabadda furitaanka ayaa sheegay in ay ahmiyad weyn u leedahay Soomaaliya inay safaaradda ugu dambeyn degan tahay guri ay leedahay dowladda Soomaaliya, kadib tobaneeyo sano oo ay deganeyd dhisme kiro ah.

Waa markii ugu horreysay ee safaaradda Soomaaliya ee Washington ay degto dhisme  ay Soomaaliya leedahay. Waxaa horey u jiray guriga safiirka.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | North America

____________________________________________________

 

Author: QOL Editor
Is the Editor-in-Chief who oversees the functionality and evaluates website performance, checks the publications and reviewing the content, such as articles, photographs, development strategies and style guidelines.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *