Xaaf iyo madax kale oo ku biiray Shirka ka socda Muqdisho

Muqdisho | QOL | October 02, -2019 —Magalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya  waxaa Maalintii labaad ka socda Shirka Caalamiga ah ee madasha iskaashiga Soomaaliya,kaas oo ay ka qeyb-galayaan Wakiilo ka socda Beesha Caalamka & Madax ka tirsan dowladda.

 

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ku sugan Ra’iisulwasaare Xassan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale, Madaxweynaha Hirshabelle,Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Gudoomiyaha Gobolka ahna Duqqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud. iyada oo shirkaasi ka qeyb-galkiisa ay qaadaceen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

 

 

 

Axmed Ducaale Geelle Xaaf Madaxweynaha Galmudug ayaa kamid noqon doona Madaxda khudbadah ka jeedin doonta Shirka Caalamiga ah ee Madaxda Iskaashiga, iyada oo sidoo kale isla Maanta uu soo xiri doono Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *