Wasiir Sabriye Oo Geneva Ugu Qayb Galaya Shir Xasaasi ah

Muqdisho | QOL | October 06, -2019 —Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta mundane Cabdi Maxamed sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

 

Wafdiga ayaa waxa ay qeyb galayaan  shir heer caalami ah ee guddiga sare ee fulinta hey’adda qaramada midoobay ee qaxootiga adduunka.

Kulankan oo ah kii 70aad aya waxaa iskugu imaan doono dalalka xubnaha ka ah, iyadoo Wasiirku uu ku matali doona Dowlada Soomaaliya.

 

kulanka ayaa lagu qaadaa dhigi doonaa arrimaha qaxootiga adduunka, sidoo kalana lagu ansixin doonaa qorshe sanadeedka iyo miisaaniyadda hey’adda UNHCR.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *