Guddoomiye Mursal iyo dhigiisa Jabuuti oo gaaray Baydhabo

Muqdisho | QOL | October 07, -2019 —Magalada Baydhabo ee Xarunta gobolka Baay  waxaa goordhow gaaray wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan  oo uu qeyb ka yahay dhigiisa dalka  Jabuuti Maxamed Cali Xaamud, iyada soo siweyn loo soo dhaweeyey.

 

Garoonka Diyaaradaha  Shaati Gaduud ee Magalada Baydhabo ayaa waxaa wafdiga kusoo dhaweeyey ,Nadaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed,Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Magaalada Baydhabo.

 

 

 

Wafdiga  ayaa waxaa ay Baydhabo uga qeyb geli doonaan furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee Golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koonfur galbeed,iyagoo sidoo kalena kulamo la qaadan doono Madaxda ugu sareysa maamulkaas iyo qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baydhabo.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *