SAWIRO: Wafdi ka socda dowladda Kenya oo gaaray Kismaayo

Muqdisho | QOL | October12 -2019 —Xildhibaan Aadan barre Ducaale iyo Wafdigii uu hogaaminaayay ayaa gaaray magaalada kismaayo, waxaana garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay madaxwaynaha jubaland iyo gudoomiyaha baarlamaanka maamulkaasi .

 

Wafdigaan ayaa ka qeyb gali doona Xafladda Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

 

 

Amar ka soo baxay Maamulka Duulista Hawada Soomaaliya ayaa xalay lagu sheegay in la mamnuucay duulimaad kasta oo ka yimaada Kenya ee ku socda Kismaayo.

 

Dowladda Kenya ayaa markii labaad jabisay Xayiraada dowladda Soomaaliya ay saartay Garoonka Magaalada Kismaayo.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *