SAWIRO:-Mas’uuliyiintii hore ee degmada Maxaas oo Maxkamad kasoo muuqday

Muqdisho | QOL | October-17–2019 —Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabaka dia ee Soomaaliya ayaa waxaa Maanta oo Khamiis ah la horkeeney Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan iyo Shaqsi kale.

 

Guddoomiyihii hore ee degmada Maxaas Cabdiraxmaan Sheekh Cilmi (Cawaale) iyo Shaqsiga kale oo lagu Magacaabo Nuur Ibraahim Mahad-Alle ayaa loo heystaa qarax lagu diley Guddoomiye kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab,qaraxaas oo dhacay 19-kii Bishii april ee Sanadkaan 2019.

 

Qaraxii lagu dilay kuxigeenkii hore ee Amniga iyo Siyaasada degmada Maxaas Cabdirashiid Cusmaan Carab ayaa waxaa mas’uuliyadiisa sheegtay xilligaas Ururka Al-Shabaab,hayeeshee Mas’uuliyiintaan loo xiray arrimo la xiriira tuhun.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *