Sawirro:-Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Oo La Kulmay Dhiggiisa Uganda

Muqdisho | QOL |  Oktoobar 29, 2019 —Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Villa Hargeysa ayaa Maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddiga Difaaca Golaha Shacabka Baarlamaanka Baarlamaanka Soomaaliya iyo Guddiga guddiga Difaaca iyo Arrimaha gudaha ee Baarlamaanka dalka Uganda.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xubnaha Guddiga Difaaca Golaha Shacabka, waxaana dhiggooda Baarlamaanka dalka Uganda ay kala hadleen arrimo kala duwan.

Labada Guddi ayaa ka wada hadley qaabkii ay isku weydaarsan lahaaayeen waaya-aragnimada hawlahooda la xiriira iyo wada-shaqeynta labada guddi dhexmari karta.

 

Dhinaca kale Guddiga Difaaca iyo Arrimaha gudaha ee Baarlamaanka dalka Uganda ayaa xafiiskiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, waxaana uu bogaadiyey wada shaqaynta labada guddi u bilaabatay.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *