SAWIRO:-Sheekh Shariif & Xasan Sheekh oo booqday dadkii ka barakacay fatahaada

Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud oo ah madaxda Madasha Xisbiyada Qaran,kuwaas oo Maanta safar ku tegay Baladweyne ayaa waxaa ay booqdeen halka ay u barakaceen dadkii ka barakacay fatahaadaha.

 

Wafdiga oo ay qeyb ka yihiin Xildhibaano ka tirsan labada Aqal kana mid ah madasha Xisbiyada ayaa waxaa ay  booqasho ugu tageen halka ay ku sugan yihiin dadkii ugu  badnaa ee ka barakacay fatahaada uu sameeyey Wabiga Shabelele.

 

Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ay dadka barakacay gaarsiinayaan gurmad kala duwan oo ay iska soo aruuriyaan,si ay Bulshada barakacday uga qeyb sadaan dhibaatadii kasoo gaartay fatahaada Wabiga.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *