Maamul Cusub oo loo Magacaabey Degmada Diinsoor

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Abuukar Cabdi ayaa waxaa uu xilkii ka qaaday Guddoomiyihii degmada Diinsoor ee Gobolka Baay,isaga oo Guddoomiye Cuusb u Magacaabey degmadaas.

 

Wareegto kasoo baxday xafiiska Wasiirka ayaa waxaa xilkii looga qaaday Guddoomiyihii degmada Diinsoor Ibraahim Maxamed Nuur Shigshigow, isaga oo xilkaas u Magacaabey Cabdisalaan Xaaji Siidow.

Sidoo kale waxaa Guddoomiye kuxigeenka Amniga degmada Diinsoor loo Magacaabey Aweys Cali Siidow halka kuxigeenka Arrimaha Bulshada loo Magacaabey Abshir Macalin Sharif.

 

 

Mas’uuliyiinta Cusub ee loo Magacaabey degmada Diinsoor ayaa waxaa la faray inay si huufan u gutaan Shaqadooda,isla markaana wada Shaqeyn la yeeshaan Shacabka.

 

 

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *