SAWIRO:-Wabiga Shabeelle oo ka fatahay deegaano horleh

Muqdisho | QOL | November 11, 2019–Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in Wabiga Shabeelle uu ka fatahay tuulooyin hoostaga degmadaas.

 

Inta badan dadkii deganaa Xaafadaha ku dhow dhow Wabiga ee degmada Jalalaqai ayaa barakacay si uusan saameyn ugu yeelan fatahaada uu sameeyey Wabiga.

 

Gudoomiyaha degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan Maxamed Nuur Dabaashe ayaa sheegay in ku dhawaad 1000 Qoys ay ka barkaceen fatahaada wabiga Shabeelle uu geystay.

 

Dadka ka barakacay fatahaada ayaa lagu soo waramayaa inay xilligaan heystaan dhibaatooyin kala duwan oo dhinaca Nolosha ah,iyaga oo dalbaday in gurmad lala soo gaaro.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *