Guddiga doorashooyinka Puntland oo baarlamaanka la horgeynayo

Muqdisho | QOL | November 15, 2019–Baarlamaanka Puntland ayaa saaka yeelanaya fadhigoodii ugu horreeyey tan iyo intii ay doorteen guddoomiyaha cusub.

 

Waxayna codka ansixinta gelinayaan guddiga kumeel-gaadhka ah ee doorashooyinka Puntland ee TPEC.

 

Gudoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa shir Guddoomin doona.

 

Baarlamaanka Puntland ayaa wajahaya Khalaalase Siyaasadeed tan iyo markii xilka laga qaaday Gudoomiyihii baarlamaanka Puntland Cabdixakiin Maxamed Axmed Dhoobo.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *