Shir looga hadlayay Amniga oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Mogadisho  –December 9, 2019 | QOL |   –Shirka Gollaha Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug oo bishiiba mar la qabto ayaa ka furmay magaalada Dhuusamareeb waxaana ka qayb galaya Saraakiil ka tirsan Taliska Qaybta 21-aad ee xoogga Dalka , Talisyada NISA iyo Booliiska , Wasaaradaha ay quseyso arintan iyo Madaxtooyada Galmudug.

 

Wakiilada ka socda dhinacydaasi ayaa laga dhageystay guulaha laga gaarey dhanka amaanka iyo qorshayaasha ugu muhiimsan ee sanadka soo socda ee 2020.

 

 

 

Saraakiisha qaybta 21-aad ee kulanka ka qayb gashey ayaa soo bandhigtay Guulaha laga gaarey dhismaha Ciidanka iyo qorshihii guuleestay ee qarameynta ciidamadii Ahlusunna taas oo tusaale u ahaa sida dowlada soomaaliyeed ugu guuleysatey Dib u habeynta ciidamada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *