Ciidamada Dowladda oo bilaabey qarxinta Miinooyin lagu arkay Hotelka SYL

Mogadisho  –December 11 , 2019 | QOL |   –Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya iyo kuwa ilaalada Madaxtooyada ayaa waxa ay haatan ka wadaan Gudaha Hotelka SYL howlgal ay ku qarxinayaan Miinooyin lagu arkay gudaha Hotelka.

 

Qaar kamid ah Wariyeyaasheena oo tegay meel u dhow Hotelka ayaa waxaa ay soo sheegayaan in goordhow Ciidamadu ay qarxiyeen Miinooyin qeybo kamid ah Hotelka ay ku xireen Xubnihii Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday.

 

 

 

Ciidamada Ammaanka ee Gacanta ku haaya Hotelka ayaa u diidaya dadka inay ka agdhawaadaan,iyada oo Ciidamadu sidoo kale Gudaha Hotelka ay ka wadaan howlgal Miino baaris ah.

 

Hotelka SYL oo u dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ah markii Saddexaad oo ay Al-Shabaab weeraraan,waxaana Ciidamada Dowladda ay weerarkii xalay ku qaadatay inay kusoo afjaraan in ka badan Lix saacadood.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *