Hir-Shabeelle oo war kasoo saartay kulankii Waare & Wakiilka QM

Mogadisho  –December 11 , 2019 | QOL |   –Madaxweynaha Maamulka hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare  ayaa maanta Magaalada Jowhar waxaa uu kulan kula qaatay Wafdi uu hogaaminayay Ergayga Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobey ee Soomaaiya Amb, James Swan,kaas oo halkaasi gaarey.

 

Kulanka ayaa waxaa labada dhinac ku wehlinayey  ku Xigeenka Wakiilka Midowga Africa ee Somaliya Wakiilka Urur Gobioleedka Igad Safiirada UK Italy iyo France,iyaga oo uga wada hadlay arrimo hdorw ah oo ku saabsan xaalada Soomaaliya.

 

 

 

Kulanka ayaa intiisa badan looga hadlay Arimaha Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed Sidoo kale waxaa looga hadlay xaaladaha Amni ee deegaanada Hir-Shabeelle.

 

Ugu dambeyn Dowlad Goboleedka  Hir-Shabeelle ayaa Cadeyeyey Mowqifkooda kaga aadan Doorashooyinka Heer Federaal iyo Heer Dowlad Goboleed ee la filayo inay dhacaan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *