Sawirro:-Kaamirooyin Cusub Oo Lagu Xiray Waddooyinka Muqdisho

Mogadisho  –December 16, 2019 | QOL |   –Qaar kamid ah Waddooyinka ku yaalla Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya ayaa waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu xiray Kaamirooyin nooca CCTV.

Kaamirooyinka Cusub ayaa lagu arkayay Isgoysada qaar ah ee Muqdisho, kuwaasi oo loogu talagalay in loo adeegsado dhanka amniga Caasimadda sida ay sheegeen Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda.

Sawirro laga soo qaaday Kaamirooyinka laguna faafiyay baraha Bulshada ayaa lagu arkayaa iyaga oo lagu xiray Baallooyin u gaar ah, isla markaana la suray laamiga dhinaciisa.

 

Sidoo kale Kaamirooyin ayaa sigaar ah xiritaankooda loogu bilaabay Waddooyinka ku dhow Xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya iyo Isgoysyo kale.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *