Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Bariga Mudug oo Maanta la kala qaadayo

Mogadisho  –December 17, 2019 | QOL |   –Waxaa maanta si rasmi ah lagu wadaa in loo kala qaado maleeshiyaadkii Dhawaan ku Dagaalamay Degaanada Towfiiq iyo Afbarwaaqo Gobolka mudug ,kuwaas oo dagaalkooda uu geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

 

Ciidamada xoogga dalka qaybta 21-aad ayaa masuuliyad amni oo ballaaran ka qaadanaya howsha nabadeynta ee deegaanadaasi, iyada oo sidoo kale uu dhawaan gaarey taliyaha Ciidamada lugta ee xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

 

 

Taliyaha Ciidamada Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Gen: Cabdixamiid oo ay wehliyaaan saraakiisha Taliska 21-aad ayaa Ku sugan deegaanadaasi iyagoo kor joogteynaya Heerka dib u heshiisiinta iyo howsha ciidanka qalabka sida.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *