SAWIRO:-Dhismaha Xarun ay Al-Shabaab qarax ku bur buriyeen oo xariga laga jarey

Mogadisho  –December 21, 2019 | QOL |   –Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud (Filish) ayaa Maanta xariga ka jaray dhismaha xarunta degmada Hodan oo dib u-dhis lagu sameeyay kadib qarax lagu bur buriyey.

 

Xaruntaan oo dhismaheeda uu socday waayihii u dambeeyey ayaa waxaa qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa lagu weeraray 10 September ee sanadkii hore 2018.

 

 

 

Munaasabad Xariga looga jareyey Xarunta degmada Hodan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulk Gobolka Banaadir iyo Maamulka degmada Hodan.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *