Taliyaha Ciidanka Dhulka oo faah faahiyey qarixii lagu weeraray

Mogadisho  –December 22, 2019 | QOL |   –Taliyaha Ciidanka dhulka Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir  ayaa faah faahin ka bixiyey qarixii khasaaraha geystay ee xalay lagu weeraray xilli uu ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo.

 

Waxaa uu sheegay in xilli ay ka baxeen Hotelka Five Star ee Magaalada Gaalkacyo meel u dhow Gaari laga soobuuxiyey waxyaabah qarxa lagu dhuftay mid kamid ah Gaadiidkii uu la socday,isla markaana ay waxyeelo kasoo gaartay Ciidamadii la socday.

 

 

 

Isaga oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa waxaa uu sheegay in marnaba aysan cabsi gelineyn Bulshada shaqada ay u hayaan weerarka lagu haayo,sidoo kalena la hordhinaayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *