Muuse Biixi oo shaaciyey caqabado heysto Dowladda Somalia

Mogadisho  –December 25 2019 | —Madaxwaynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi oo shir Jaraa’id u qabtay Warbaahinta ayaa waxa uu ka haddlay qodobo u badnaa Arrimaha doorashooyinka Maamulkaasi iyo caqabaha hortaagan.

 

Waxa uu sheegay in Soomaliland uu ka jiro buuq siyaasadeed,isla markana hadii aan doorashada waqtiga ugu macquulsan lagu qaban ay talada Somaliland ay bur bureyso.

 

 

 

Waxa uu intaasi kudaray hadalkiisa  in ay daaheen doorashooyinkii maamulka Somaliland arrintaasi oo uu  ku micneeyay in ay tahay tabar daro siyaasadeed oo kajirta Somaliland , shuruucda u dagsan maamulkaasna aysan dabooli karin baahiyadooda.

 

Madaxwayane Biixi ayaa waxa uu sheegay in labada gole ee Baarlamaanka aysan diidaneen in labadalo ayna diyaar uyihiin waxa uuna tilmaamay in gole la doortay ay badali karaan gole kale oo la doortay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *