Hir-Shabeelle oo sheegtay in qatar soo wajahday Beeraleyda Hiiraan & Sh/Dhexe

Mogadisho  –December 27-002019 | —Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Beeraha Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Bashiir Qaasim ayaa sheegay in cayayaanka Ayaxa oo ka soo gudbay deegaanada Galmudug iyo dhulka dowlad deegaanka Soomaalidu uu musiibo ku yahay Beeralayda gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

 

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray in beeralaydu u baahan yihiin in si deg deg ah looga caawiyo waxka qabashada Ayaxa oo baabi’naya miraha beeraha.

 

 

 

Deegaanno badan oo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan dhibaato ku haaya Cayayaanka Ayaxa,waxaana dadka ay ula dagaalamayaan siyaabo kala duwan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *