Mogadisho –December 27-002019 | —Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ka qeyb galayey Madal su’aalo lagu weeydiinayey ayaa ka hadlay halka uu ku dambeeyey khilaafkii Dowladda Federaalka iyo Maamulka Jubbaland.
Madaxweyne Deni ayaa la weeydiiyey safar la filayey in uu ku tago Magaalada muqdisho oo ku saabsanaa xalinta khilaafkaas ayaa sheegay in la xaliyey khilaafkaas,isla markaana Dowladda Federaalka ay aqoonsatay doorashadii ka dhacday Kisamayo.
Waxaa uu tusaalo u soo qaatay Shirkii looga hadlayay Arrimaha Maaliyadda oo ay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ku qabatay Kismaayo,sila markaana ay ka qeyb galeen Wasiirada Maaliyadda Dowlad goboleedyada ka jira dalka.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
__________________________________________________
