Madaxweyne Farmaajo oo Warbaahinta tacsi u mariyay dadkii ku dhintay Qaraxii maanta

Mogadisho  –December 28–2019 | —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi u diray qoysaska iyo ehellada muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku naf waayey Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho.

 

Warbaahinta dowladda ayaa baahisay in Madaxweynaha ka tacsiyay xilli aysan jirin Madaxweynaha ,Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiiradda Cid booqatay Isbitaallada marka laga reebo Gudoomiyaha gobolka Banaadir.

 

 

 

Qaraxii maanta ka dhacay Muqdisho ayaa ahaa Mid xooggan, waxaana ku dhintay ku dhawaad 80 ruux sidda ay sheegeen goobaha Caafimaadka iyo saraakiisha Booliska.

 

Gudddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa booqday Isbitaalka Madiina halkaas oo la geeyay dhaawacydii ugu badnaa ee kusoo wax yeeloobay qaraxii  isgoyska Ex Contoral Afgooye.

 

Duqa Muqdisho ayaa booqday qeybta gurmadka  Deg dega ah ee dhaawacyada culus iyo qeybaha kale ee dhaawacyada lagu baxnaaninayay waxa uuna warbixina quseeya xaaladaha dhaawacyada ka dhageestay dhaqaatiirta iyo maamulka isbitaalka.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *