Aqalka Sare oo Guddi u saaray Sharciga doorashooyinka

Mogadisho  –January 04, 2020—Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Magacaabay Guddi ku saabsan ka shaqeyn Sharciga doorashooyinka oo lagu waddo in dhawaan la horgeeyo Aqalka Sare.

 

Guddiggaan ayaa ka kooban 7 xubnood oo ka tirsan Aqalka Sare, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii Sharciga doorashooyinka loo horgeyn lahaa Aqalka Sare.

 

 

 

Xildhibanada Golaha Shacabka ayaa dhawaan Ansixiyay Sharciga doorashooyinka Qaranka oo ku saabsan in doorasho qof iyo Cod ah ay dalka ka dhaco oo xildhibaanada laga soo doorto degaanada ay mataan ka dib Madaxweynaha doortaan

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *