Wararkii ugu dambeeyay Liiska Xildhibaanada Galmudug oo lagu dhawaaqayo

Mogadisho  –January 04, 2020—Liiska Xildhibaanada 69ka ah  ayaa la filayaa in lagu dhawaaqo ka dib markii ay soo gudbiyeen Odayaasha Saxiixayaasha ah iyadoona Arintaasi Guddiga Farsamada Maamul u samaynta Galmudug uu ku howlan yahay.

Shalay ayaa la Aqbalay soo gudbinta 20ka Xildhibaan ee Ahlusunna soo gudbisay isu gaynta Labada Qaybood ayaana Wadarta Guud ka dhigaysay 89 Mudane.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in xildhibaanada lagu dhawaaqi doono Saacaddaha soo socda.

Qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa Risaala u xaqiijiyay in ay gudbiyeen Liiska,islamarkaana Guddiga uu ku howlanaa Saacaddihii ugu dambeeyay.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *