Boqorka cusub ee Cuman oo lagu dhawaaqay ka dib geeridii Boqor Qaboos

Mogadisho  –January 11, 2020—Haitham bin Tariq Al Saciid ayaa loo Magacaabay inuu noqdo Hoggaamiyaha cusub dalka Cuman kadib dhimashadii ina-adeerkiis Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid, sidda ay ku warantay Warbaahinta Gudaha ee Cuman.

 

Wasiirkii hore ee dhaqanka ayaa la dhaariyey ka dib markii ay soo gudbiyeen qoyska Boqortooyada.

 

 

 

Dastuurka Omani wuxuu dhigayaa in qofka guuleysta uu u magacowdo qoyska boqortooyada sedex maalmood gudahood markii carshiga uu baneeyey.

 

Suldaanka waa inuu xubin ka ahaadaa qoyska boqortooyada sidoo kale waa in uu ahaada “Muslim, qaan gaar, caqli gal ah.

 

Sultan Qaboos bin Saciid Al Saciid oo ahaa boqorkii dalka Cumaan ayaa geeriyooday, isaga oo ay da’diisu tahay 79 jir.

 

Sultan Qaboos waligii ma guursan, islamarkana Boqorka oo ahaa ninkii uu xukunkiisu ugu waqtiga dheeraa dunida Carabta ayaa geeriyooday isaga oo aan magacaabin ciddii badali lahayd.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *