Senatorrada Aqalka Sare oo la horgeeyay sharciga doorashooyinka Qaranka

Mogadisho  –January 11, 2020—Senatorrada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta la horgeyay sharciga doorashooyinka Qaranka kaasi oo ay marsiiyeen aqrinta koowaad.

 

Laba todobaad ka hor ayaa guddoomiyaha golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi sharciga doorashooyinka Qaranka u magacaabay guddi senatorro ah oo ka koobnaa todoba xubnood.

 

 

 

Guddiggaan ayaa shaqadooda aheyd sharcigaan isla markaana isku daba ridaya aragti waliba oo ay ka dhiibtaan senatorada.

 

27-kii bisha December ayaa waxaa meel mariyay sharciga doorashooyinka Qaranka oo ay soo diyaarisay wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, kaddib markii muddo laba todobaad ah ay ka doodayeen sharcigaan.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *