MD Farmaajo oo ka tacsiyadeeyey geerida Abaanduulihii hore ee Ciidanka xoogga

Mogadisho  –January 29-2020—Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelada, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday -Alle ha u naxariistee- Janaraal Cabdirisaaq Khaliif Cilmi.

 

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Cabdirisaaq Khaliif Cilmi oo soo noqday Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Janaraalku waxa uu naftiisa u huray difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.”

 

 

 

Madaxweyne Farmaajo ayaa Eebbe uga baryay Marxuumka in uu hooygiisa ka yeelo Jannatul-Firdowsa, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan ka siiyo.

 

Alle ha u naxariistee, Janaraal Cabdirisaaq waxa lagu xasuusan doonaa doorkii uu ka qaatay dib u dhiska Ciidamada Xoogga Dalka iyo dagaalka ka dhanka ahaa Ururka Al-Shabaab ee laga sameeyey Gobolada dalka Soomaaliya.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *