C/raxmaan Cabdi Shakuur oo la kulmey Wakiilka QM

Mogadisho  –-2020—Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ahna hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa Magaalada Muqdisho waxaa uu Maanta kula kulmey Wakiilka Qaramada midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb James Swan .

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen arrimaha doorashooyinka 2020/21, xiriirka sii xumaanaya ee Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, xaalada Gobolka Gedo qodobo kale.

 

“Kulan aan la qaatay ergayga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Danjire James Swan ayaan kaga wada hadalnay arrimaha doorashooyinka 2020/21, xiriirka sii xumaanaya ee Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, xaalada Gobolka Gedo iyo doorashooyinkii Galmudug ayuu yiri” C/raxman C/Shakuur.

 

 

 

Wakiilka Qaramada midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Amb James Swan ayaa horey ula kulmaey madax ka tirsan Dowladda iyo Maamul Goboleedyada ka jira dalka.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *