Koonfur Afrika: Muwaadin Soomaaliyeed oo ku dhintey Shil Gaari

Mogadisho  –-2020—Muwaadinkaan Soomaliyeed oo lagu Magacaabi jiray Cabdirisaaq Axmad Carab oo loo yaqaaney Sanweyne ayaa ku dhintey shil gaari oo ka dhacay Gobolka Limpopo Ee Dalkaasi Koonfur Afrika.

 

Shilka Gaari ayaa yimid,kadib markii muwaadinka Soomaaliyeed uu gaari uu watay uu la rogmadey,hayeesee uusan helin Gurmadkii loo baahnaa maadaama Soomaalida ay goobta aad ugu yartahay.

 

Qof kamid ah Soomaalida ku nool halka uu shilka gaari ka dhacay ee Gobolka Limpopo ayaa sheegay in saacado kadib ay tageen Goobta uu shilka ka dhacay,isa markaana ay soo qaadeen meydka Muwaadinka Soomaaliyeed lana geeyey Isbitaal.

 

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu kamid yahay dalalka ugu daran ee lagu dhibaateeyo Soomaalida,in kastoo muwaadinkaan Soomaaliyeed uu ku dhintey Shil Gaari.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *