Sawiro :-RW Khayre oo kormeeray Xarunta Dhexe Ee Xukuumadda oo la dhisayo

Muqdisho | QOL | February 19, 2020 –Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tegay dhismaha guriga xukuumadda (Ex-xaruntii xisbiga) oo lagu wado dib-u-dhis ballaaran.

 

Xasan Cali Khayre ayaa howl-wadeennada ka shaqeynaya dib-u-dhiska ka xog wareystay hannaanka ay u wadaan dhismaha, waxuuna kula dardaarmay in sida ugu dhaqsiyaha badan ku dhammeeyaan si loogu guuleysto in xukuumaddu ku shaqo billaawdo.

https://www.facebook.com/OPMSomalia/videos/2582143762063880/

Guriga xukuumadda ayaa noqonaya xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo xarunta dhexe ee xukuumaddu ku shaqeyso.

 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay wehliso wasiirka dhallinyarada iyo ciyaaraha XFS, ayaa sidoo kale kormeeray sida uu u socdo dhismaha garoonka ciyaaraha Muqdisho oo qeyb ka ah xarumaha muhiimka ah u ah horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo is-dhex galka bulshada

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *