Amar la dul-dhigey Saraakiisha Ciidanka Booliska Dhuusamareeb

Muqdisho | QOL | Talado  , March 10, 2020 —Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa kormeer ku tagay Saldhigga Booliiska Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

 

Madaxweyne kuxigeenka ayaa saraakiisha Ciidanka Booliska Galmudug ku wareejiyay laba gaari oo loogu talagalay in ay isticmaalaam Ciidanka Saldhiga.

 

 

 

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenku waxuu ciidanka Booliska Caasimada Dhuusomareb iyo guud ahaan laamaha Nabadgalyada ugu baaqay dardargelinta arrimaha amniga, iyadoo ay dhawaan maagaladu martigalin doonto wufuud heerkoodu sareeyo oo ka qeyb-galeysa Xaflada Caleema saarka Madaxda Galmudug.

 

Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa xilligana ka socda u diyaar garoowga Xaflada Caleema saarka Madaxda Galmudug,waxaana siweyn loo adkeeyey Amniga Magaalada

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *