Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya oo ka muuqday liiska Xildhibaanada Koofur Galbeed.

Muqdisho | QOL | Khamiis   , March 19, 2020 —Guddiga Madaxa bannaan ee xulista Baarlamaanka labaad ee Dowlad-goboleedka  koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa waxaa ay ku dhawaaqeen liiska xildhibaannada Cusub ee Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed oo ka kooban 95 Mudane.

 

Guddiga ayaa bilihii la soo dhaafay ku mashquulsanaa soo xulista xildhibaannada Cusub,iyaga oo wadatashi kala yeelanayay Odayaasha Dhaqanka koonfur Galbeed maadaama Xildhibaannada hab beeleed loo soo xulayey.

 

Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa dhawaan waxaa ay dooran doonaan guddoomiye iyo kuxigeenadiisa,iyada oo la dhaarin doono.

 

Mudanayaasha ayaa waxaa jira Safiirka Midowga Yusub ee Soomaaliya Dr Cali Siciid Fiqi,waxaana loo wadaa Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad-Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya sida ilo ku dhow Madaxtooyada Maamulkaasi Mustaqbal u sheegeen.

 

Halkaan ka aqriso liiska Xildhibaanada.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *