Dowladda oo shaacisay dalalka dadka ka yimaada la Karaantiili doono

Muqdisho | QOL | Sabsti   , March 21, 2020 —Wasaaradda Caafimaadka & Daryeelka Bulshada iyada oo tixraacaysa war-saxaafadeedkii ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka & Duulista Hawada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya 21/03/2020 oo lagu fasaxayay diyaaradaha dalka soo galaya muddo 2 maalmood ah Waxa ay sheegtay in ay gali doonaan karantiil mudo 14 beri ah oo ka

bilaabanaysa maalinta ay yimaadaan dhammaan Muwaadiniinta ka yimaadda dalalka ah.

  1. Shiinaha
  2. Yurub
  3. Maraykanka
  4. Koonfurta Kuuriya
  5. Australia
  6. Canada
  7. Turkiga
  8. Pakistan
  9. Masar
  10. Hindiya
  11. Imaaradka Carabta
  12. Malaysia
  13. Sacuudiga
  14. Koonfur Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in duulimaadyadda dalka ay fasaxday muddo labo maalmood ah si ay dalka u yimaadaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Caalamka ku xayiran .

 

Duulimaadyadda ayaa la joojin doona Muddo labo maalmood kadib markii ay dalka yimaadaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran qaar ka mid ah Garoomadda Caalamka sidda ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *