SAWIRO:-Mas’uuliyin kormeerey Xarun lagu karantiilo dadka uu soo rito COVID 19

Gudoomiye ku xigeenka arrimaha Bulshada iyo Wacyi galinta Maamulka Gobolka Banaadir Marwo Basma Aamir Jakeeti ayaa Maanta kormeertay Xarunta Qaran Ee Hubinta Bedqabka Dadweynaha Halkaas oo loogu talagalay in lagu karantiilo Dadka uu soo Rito Cudurka COVID 19.

 

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta xaruntaas geeyay shaqaale ka tirsan waaxda nadaafadda Dowladda Hoose ee Xamar, kuwaas oo loo diyaariyay tababar ku saabsan Nadaafadda looga baahanyahay xarunta karaantiilka iyo sidii ay iska ilaalinaya halista cudurkaan.

 

 

 

Xaruntaan ayaa waxaa dhawaan sidoo kale booqasho ku tegay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Khyere iyo Xubno kale,iyaga oo ku baaqay in la dar dar geliyo howlaha loogu adeegayo Shacabka.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *