SAWIRO:-Taliyaha Ciidanka Dhulka oo ku dhawaaqey dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Muqdisho | QOL |  Isiin     , March 23, 2020 —Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdi xamiid Maxamed Dirir oo muddooyinkii ugu danbeeyay ku howlanaa howlgelinta ciidanka ayaa maanta kormeer ugu tagay ururka 26aad ee guutada 6aad kuwaas oo ku sugan degaanka Shalaambood ee gobolka Shabellada hoose.

 

Ujeedka kormeerka taliyuhu yahay dardargalinta howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda Gobolka Shabelelaha Hoose,iyada oo taliyaha uu Ciidamada ugu baaqay inay sii wadaan howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

 

 

 

Taliyaha ciidanka dhulka xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdi xamiid Maxamed Dirir ayaa hoggaaminayey howlgal ay dhawaa Ciidanka dowladda Soomalaiya kula wareegeen deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *