Puntland oo karantiishay dad looga shakiyey COVID19

Mogadisho | QOL | April 23 2020–Guddiga ka hortagga iyo wacyi-gelinta xanuunka COVID-19 ee Puntland ayaa shaaciyey inay karantiileen 7 Ruux oo looga shakiyey inay qabaan Cudurka COVID-19.

 

War kasoo baxay Guddiga ayaa lagu sheegay in dadkaasi laga shakiyey ee Karantiilka ku jira dheecaan laga qaaday ay baaritaan u direen,isla markaana ay sugayaan jawaabta baaritaan soona gudbin doonaan.

Guddiga ayaa waxaa ay ka codsadeen Shacabka deegaannada Puntland in aysan qarsan Cudurka,sidoo kalena looga baahan yahay u hogaansamaan talooyinka Wasaaradda iyo Dhaqaatiirta Caafimaadka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *