Dhallinyaro Soomaaliyeed oo dalka Malta loogu xiray ka ganacsiga maandooriyaha.

Mogadisho | QOL | April 26 2020–Wararka ka imaanaya dalka Malta ayaa sheegaya in halkaasi lagu xiray dhalinyaro Soomaali ah oo loo haysto dambiyo la xariira isticmaalka iyo ka ganacsiga maandooriyaha.

 

Dhalinyaradaan oo ka kooban 8 ruux ayaa la sheegay in lagu soo qabtay Hawlgal ay si wadajir ah isaga kaashadeen Boliska iyo Saraakisiha Waaxda Socdaalka ee dalkaasi waxaana howl galku dhacay inta u dhexeysa Degmooyinka Saleyma iyo Saynt Juliyaan¸halkaasi oo lagu soo qabtay 11 qof oo Ajaaniib ah.

 

War-qoraal oo ka soo baxay Boliska Malta ayaa lagu sheegay in dadka la qabtay lagu helay iyadoo tahriibinaya Maan-dooriyayaasha ama ku dhex cabaya Dhismayaasha iyo Jardiinooyinka Dadweynaha, Booliska ayaa intaasi ku daray in ay Qabashadaasi timid, kadib, markii ay Boliska Hawlgal Sahmin ah oo ay dhowr maalmood ku hayeen dhismo ku yaalla Wadadda lagu magacaabo Daragonaara.

 

Shabakadda Wararka Malta ee Today ayaa qortay in 2 nin oo u dhashay dalka Latvia iyo Haweeney u dhalatay dalka Spain lagu qabtay Hawlgalka Koowaad, iyadoo loo adeegsaday Eeyda Tababaran, halka  8 Dhallinyaro Soomaali ah iyagana la qabtay, kadib, markii uu soo galay raadka la xiriira in ay ka ganacsadaan, isla markaana isticmaalaan Daroogada.

Dhismo uu deganaa Nin Soomaali oo 30-jir ah oo la sheegay in uu Daroogada tahriibiyo ayaa waxaa laga soo helay cadad badan ee Duubabka Xashiishka,waxaa la sheegay in ay ka qeyb galeen Eeyda wax urisa ee loo tababaray baaritaanka Daroogada.

 

Boliska Malta waxa ay sheegeen in ay weli wadaan Baaritaanka Kiiskaasi, si loo helo Shaqsiyaadka kale ee qeybta ka ah Shabakadaha tahriibiya noocyada Daroogada.

 

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee tahriibka ku gala wadama Caalamka ayaa qaarkood loo qabtaa fafal la xariira Xagjirnimo,dilal ay gaystaan iyo isticmaalka iyo kanacsiga daroogada oo inta badan mamnuuc ka ah dalalka hormaray ee Caalamka.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *