Madaxweyne Waare oo Amar dul-dhigay Guddiga ka hortagga COVID-19

Mogadisho | QOL | May 26 2020–Madaxweynaha Hir-Shabeelle Dr Maxamed Cabdi Waare oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin kale ayaa maanta Booqday xarunta Wacyigelinta Caabuqa Coronovirus ee Magaalada Beledweyne, isagoo u kuur galayay xaaladda xarunta iyo baahiyaha ka jira.

Madaxweynaha ayaa ka xog wareystay Dhaqaatiirta iyo howlwadeenada caafimaadka xaruntaasi, isagoo ka dhageystay baahiyaha ay qabaan iyo qalabka ay u baahanyihiin waxaana madaxweynaha uu amray in saacadaha soo socda la dhameystiro qalabka ka dhiman xarunta.

Intaasi kaddib Madaxweyne Waare ayaa la kulmay saraakiisha ciidamada AMISOM ee sector 5 ee ka howlgala Gobolka Hiiraan, iyagoo ka wada hadlay sugida amniga iyo wada shaqeynta Maamulka Gobolka Iyo Ciidamada AMISOM.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *