Soomaaliland oo Maanta diiwaangelisay kiisas Cusub oo Coronavirus ah

Mogadisho | QOL | May 27 2020–Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland ayaa Maanta shaacisay natiijada dad looga shakisnaa Cudurka Safmareenka ah ee Coronavirus,kuwaas oo baaritaano lagu sameeyey qaarkood laga helay inay qabaan Cudurka.

War kasoo baxay Guddiga Soomaaliland u qaabilsan xakameynta Cudurka COVID-19 ayaa lagu sheegay in dadkii la baaray 8 kamid ah Cudurka laga helay,kuwaas oo haatan ku jira xaalad karantiil ah halka laba qof oo kale ay Cudurka ka bogsadeen.
Dadka cudurka laga helay oo isugu jira 5 Rag iyo 3 Dumar ayaa waxaa ay dhamaantood ku sugan yiin Magaalada Hargeysa oo kiisaska ugu badan laga helay ,waxaana dadka Cudurka laga helay ay da’dooda u dhaxeysaa 29 Sano jira ilaa 59 Jir.
Ugu dambeyn Guddiga waxaa ay sheegeen in tirada Guud ee Cudurka Coronavirus laga diiwaangeliyay deegaannada Soomaaliland ay gaartay 225 Ruux 23 Ruux ay ka bogsoodeen halka 17 qof ay u geeriyoodeen.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

 

 

 

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *