Mogadisho | QOL | July 4 -Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle oo maanta baarlamaanka Soomaaliya horgeeyay ku noqoshada Miisaaniyada Soomaaliya ayaa sheegay in hoos u dhac aad u weyn uu ku yimid Dhaqaallaha dalka.
Waxaa uu sidoo kale sheegay in uu hoos u sii socda maalinba maalinta ka dambeysa, sababtuna ay tahay Cudurka Corona virus.
Wasiir Beyle waxaa uu sheegay in aysan dhici doonin in Miisaaniyaddii ay ku tala galeen ay soo baxdo, islamarkaana isbedal weyn uu ku yimid.
“Miisaaniyadda Dowladda ee Sanadkaan waxaa saameeyay Xanuunka #Covid-19, oo sababay in ay hoos uga dhacdo halkii kutalagalku ahaa” ayuu yiri Wasiir Beyle.
Sidoo kale Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ayaa xusay in aysan jiri doonin shaqaalle dowladdu ay qaadanayso, maadaama uu dhaqaallihii sii liicaayo.
.
.
Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________
