Guddiga Farsamada ee ka baaraan degida doorashada oo qeyb galaya Shirka Dhuusamareeb

Mogadisho | QOL | August-15-2020–Guddiga Farsamada ee ka baaraan degida talooyinka la xiriira hannaanka iyo hab-sami u socodka arrimaha Doorashooyinka ayaa  Gaaray Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb.

Guddiggaan ayaa lagu waddaa in ay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxda kale ee ku sugan Dhuusamareeb in ay u gudbiyaan Hanaanka doorashada heshiiska lagu yahay.

Waxa sidoo kale lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Shirka Madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Guddiggaan aysan kasoo qeyb galin maamulada Puntland iyo Jubbaland

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  __________________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________