Hindiya oo ku biirtay howlgalka ladagaalanka Burcad badeedka Soomaaliya.

Mogadisho | QOL |  September 17 2020—Dowladda Hindiya ayaa ku biirtay wadamada saxiixay “Xeerka Anshaxa Jabuuti / Wax ka bedelka Jeddah” oo ay horay u saxiixeen wadamada ku midoobay ladagaalanka Burcad badeedka Soomaaliya ee ka howl gala galbeedka Badweynta Hindiya, Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.

DCOC / JA oo ah urur ka shaqeeya arrimaha badda oo ka kooban 18 dowladood oo xubno isla markaana dhaca Badda Cas, Gacanka Cadmeed, xeebta Bariga Afrika iyo waddamada Jasiiradda ee IOR ayaa dagaal kula jira burcad badeed waxaana ka shaqeeya wadamada Isticmaala badahaasi

Dowladda Hindiya ayaa hada ku biireysa wadamada Japan, Norway, UK iyo Mareykanka oo kormeerayaal u ah Ururka DCOC / JA.

DCOC, oo la aasaasay bishii Janaayo 2009, waxaa loogu talagalay in lagu dagaalamo burcad-badeednimada iyo dhaca hubeysan ee ka dhanka ah maraakiibta ku sugan Gobolka Galbeedka Badweynta Hindiya, Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________