Maamulka K/Galbeed oo Wafdi u diray degaano cabasho kasoo yaartay

Muqdisho | QOL | November17, 2020 –Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlaha Hoose iyo dib u heshiisiinta dowlad goboleedka koonfur Galbeed  Moxamed Abuukar Cabdi oo ay qeyb ka ahayeen wasiiradda wasaradaha Amniga, gaadiidka, caafimaadka, waxbarashadda,  warfaafinta, maamulka gobolka Baay iyo taliyaasha Ciidamada daraawishta Koonfur galbeed ayaa gaarey Degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Wafdiga ayaa si diiran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaradaha degmadaas, soo dhaweynta waxaa qeyb ka  ahaa maamulka degmada, xildhibaanada golaha deegaanka,odayaasha dhaqanka taliyaasha ciidamada iyo  ururadda bulshada degmada.

Ujeedada safarka ayaa ah u kuurgalida baahiyaha degmada maadaama xaalado dhanka nolosha ah maalmihii dambe laga soo sheegayay degaano hoostaga degmada Bardaale ee Gobolka Baay.

Sidoo kale wafdiga ayaa waxaa ay kulan la qaadan doonaan qeybaha kala duwan ee bulshada,iyaga oo ka dhageysan doona baahiyaha gaarka ah oo ay qabaan si ay uga jawaabaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________

Xafiiska wararka Qaranimo Online | Muqdisho ___________________________________________________