Al-shabaab oo  weerar ku qaaday kolonyo Ciidanka dowladda oo galbinayay gaadiid u rarnaa Ganacsatada Xudur

Dagaal u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxaa uu ka dhacay deegaano ka tirsan Gobolka Bakool, waxaana kasoo baxaya faah faahino.

Dagaalkan ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay la socdeen Ciidanka dowladda Federaalka oo galbinayay gaadiid ay u rarnaa Ganacsatada degmada Xudur, xili ay ku socdaalayeen inta u dhexeeysa Quracjoome iyo Xudur.

Dagaalkaas oo socday muddo ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhashay khasaaro kala duwan oo labada dhinac, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn khasaaraha, maadaama halka lagu dagaalamay ay aheyd waddo howd ah oo socodka ku yar yahay.