Siyaasiga Xuseen Cabdi Xalane oo horay u sooo Noqday Wasiirkii Maliyada Somaliya ahna Musharax u taagan Xilka Madaxweynanimo ee Somaliya 2021- ayaa si kulul uga hadlay dadkii shalay ay Ciidamada amaanka ku laayeen Banaanbixii ka dhacay Muqdisho.
Xalane ayaa dusha uga tuuray Dhibaatadaas Madaxda fadhisa Villa Somaliya oo uu ula jeeday Farmaajo iyo Fahada yaasiin oo uu ku tilmaamay shaqsiyaad ka liita dhinaca Somalinimada iyo fahamka siyaasada.
Musharax Madaxweyne 2021- Xuseen Cabdi Xalane ayaa sheegay in ay sharci daro tahay in shacab banaanbaxaya loo adeegsado Rasaas Nool Nool, waxa uuna sheegay in arintaas aan la iskaga hari doonin oo shacabka dhibaatada soo gartay dhiigooda meesha looga hari doonin.
“ Shaacabka Soomaaliyeed ee Macna darada shalay loo laayay dhiigooda ma ahaan doono mid laga aamuso, waxaana Maxkamad loo soo taagayaa shaqsiyaadka ka danbeeya arintaas oo Villa Somaliya kuwa jooga ay ugu horeeyaan”ayuu si kulul u yiri Musharax Xuseen Cabdi xalane.
“ Dhibaatadii shalay dhacday waxaa dusha u Ridanaya kuwa jooga Villa Somaliya oo u soo adeegsaday Ciidamo dabaabado Wata si la mid ah cadowga shabaab, amaanka magaalada MUqdisho faraha ayuu ka baxay waa in la helaa Ciidamo shacabka u Tura”ayuu mar kale yiri Musharax Xuseen Cabdi Xalane.
Sidoo kale dadkii shalay ku dhawacmay banaanbixii ka dhacay Muqdisho ayaa wali lagula tacaalayaa ispitaalada Muqdisho.
Cabdixakiin Cilmi Xasan
Nairobi Kenya
