Madaxii Suxufiiyinta Gobolka Gazni oo lagu dilay Afgaanistaan

Booliska dalka Afgaanistan ayaa sheegay in Madaxii Suxufiiyinta Gobolka Gazni la qaarijiyay, waxaana rasaas uu kala kulmay koox hubaysan aan heebtooda la garan.

Sarkaal u hadlay Booliska Afgaanistan ayaa sheegay in Raxmatulaah Nikzad markii la tooganayay uu ku sugnaa irida hore ee Gurigiisa.

Booliska ayaa sheegay in baaritaano ay wadaan , islamarkaana ay maxkamad horkeeni doonaan kooxihii ka dambeeyay dilka.

Waa weriyihii Shanaad oo mudo 2 bil gudaheed lagu dilo gudaha wadanka Afgaanistaan.